
Sidee qoysasku ku galaan Schoology?
Waalidka: Is diiwaan gali si aad ula socotid shaqada cunugaaga
1. Ugu horeyn tag bogga ama barta www.schoology.com.
2. Qeybta saree e midigta ah , ka eeg Sign Up.

3. Liiska kuu soo baxaya ka dooro Parent

4. Waxaa hore lagaaga soo diray Campus-Parent Login furaha lagu galo oo qaabkaan u eg XXXX-XXXX-XXX. Furahaas halkaan geli:

5. Geli magacaaga, cinwaankaaga iimaylka, iyo eraygaaga sirta ah. Markaad gasho, waxaad awoodi doontaa inaad baadho shaqada ilmahaaga adigoo gujinaya falaarta ku taal midig ee magacaaga oo ka dooranaya magaca ilmahaaga liiska kaaga soo baxaya dhanka midig ee sare:

6. Waxa kale oo aad samayn kartaa in aad ku dartid caruur dheeraad ah adigoo isticmaalaya akoonka Schoology. Si aad ula xidho carruur dheeraad ah, guji falaarta soo jeedda ee dhanka midig ee sare ee akoonkaaga Schoology, dooro Add Child, oo geli furaha Galitaanka Waalidka ee ilmahaaga/carruurtaada kale.
Maadaama aad iska diiwaangelisay Schoology si aad u aragto shaqada ilmahaaga, eeg Parent Guide ee Xarunta Caawinta: support.schoology.com.
LOGGING IN PARENT LOGIN VIA IPAD. PARENT LOGIN VIA MACBOOK.
Copyright © 2018 | Schoology 2 Penn Plaza, 10th floor, New York, NY 10121 | schoology.com





































